Puntland oo ka hadashay dagaalka Garowe

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay dagaalka maanta dhacay ka Garoowe ayaa sheegay in ciidamada dowladda lagu soo weeraray xarunta baarlamaanka oo uu sheegay in duulaan lagu soo qaaday, iyaguna ay difaaceen oo ay waajibkooda ahayd.

Taliye Muumin ayaa tilmaamay in ay talaabo kasta oo xal nabad-raadin ah sameeyeen mudooyinkii la soo dhaafay, hase ahaatee ay ka socon waayeen dhinaca kasoo horjeeda oo uu ku eedeeey in ay amniga iyo horumarka Puntland ka soo horjeedaan, wuxuu intaas ku daray in ciidamadii taageersanaa mucaaradka ay ka saareen inta badan magaalada, sidoo kale ay qabteen hub iyo maxaabiis.

Taliyaha Booliska Puntland oo aan ka hadlin khasaaraha uu sababay dagaalka ayaa sheegay in ay hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay is-dajiyaan.

Muuqaalka Taliye Muumin

Dagaalka Garowe oo socday labadii gelin ee maanta ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 30 qof, waxayna weli labadii ciidan isku horfadhiyaan dhanka koonfur magaalada.

Qaar ka mid ah isimada Puntland ayaa cambaareeyay dagaalka Garowe, waxayna labada dhinac ugu baaqay in ay joojiyaan xabadda oo wadahadal lagu dhammeeeyo khilaafka, waxaana hadda socota waan-waan ay garwadeen ka yihiin isimada iyo waxgaradka kale ee reer Puntland.

PUNTLAND POST