Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka oo hadda ka socda Garoowe

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka ayaa hadda ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay guda galeen ka doodista qodob la xiriira furista Dastuurka.

Dhawaqa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlaya xaafadaha kala duwan ee Garoowe.

Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli socda.

PUNTLAND POST