Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa goor hore furmay saaka oo Isniin ah.
“Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabtay dhageysiga warbixinada Guddiyadda Golaha sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Baarlamanka.
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa hadda dhegaysanaya warbixinada guddiyada joogtada ah ee golaha.
“Goluhu waxay dhegaysanayaan warbixinta iyo macluumaadka ay soo ururiyaan Guddiyadu muddo 3-cisho” ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST