Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u amba-baxay Xajka

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta u amba-baxay dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Makka ee ku taalla Sacuudiga halkaas oo uu ku soo gudanayo waajibaadka Xajka.

“Aniga iyo wefti aan hogaaminayo waxaan maanta u amba baxnay Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama (Saudi Arabia) halkaas oo aan kusoo gudan doono waajibaadka Xajjka hadii Alle idmo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST