Dr. Cabdiweli Gaas oo Todobaadkan ku wajahan Garoowe

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa Todobaadkan ku wajahan Garoowe.

Cabdiweli Gaas oo sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida adag u diiddan furista dastuurka Puntland iyo in uu mudda kororsi samaysto madaxweyne Deni.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dr. Cabdiweli Gaas uu raadinayo in uu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada soo socota ee sannadka 2024.

Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira furista dastuurka iyo mudda xileedka dowladda oo ay ka harsan tahay wax ka yar lix bilood.

PUNTLAND POST