Ajandaha Baarlamanka Puntland oo lagu daray ka doodista doorashada 2024

Ajandaha Baarlamanka Puntland ayaa lagu daray ka doodista doorashada madaxtinimada Puntland ee 2023/2024.

Qodobkan ayaa si weyn uga hadlaya ka doodista doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada si dalka looga saaro marxaladda hubanti la’aanta ah ee uu sii galayo.

Qodobada kale ee lagu daray ajandaha waxa kamid ah xaaladda Gobolka Sool, Amniga caasimadda Garoowe iyo mushahar la’aanta shaqaalaha iyo ciidamada.

PUNTLAND POST