Ururka Mideeye oo ka horyimid furista Dastuurka iyo mudda kororsi ka dhaca Puntland

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa maanta oo Jimce ah war-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkiisa marxaladda siyaasadeed ee Puntland marayso.

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa ugu horrayn caddeeyay mowqifkiisa furista Dastuurka Puntland waxaana uu si cad uga horyimid in dano siyaasadeed loo furo Dastuurka.

Mideeye ayaa xildhibaannada Baarlamanka Puntland ugu baaqay in ay mas’uuliyadda saaran u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka oo ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qalalaase siyaasadeed.

Ururka ayaa sidoo kale ka horyimid in uu wax mudda kororsi ah samaysto madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxaana uu sheegay in aysan doorashada madaxweynaha dhaafi karin 8 Jan January 2024.

PUNTLAND POST