Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan nin oo ay ku eedaysay basaasiin.
Fulinta dilka ayaa Khamiistii ka dhacay fagaare ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellada hoose.
Shanta nin oo da’doodu u dhaxayso 28-52 sano ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo Maraykanka.
Al-shabaab ma soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaysa in shakhsiyaadka la toogtay ay basaasiin ahaayeen.
PUNTLAND POST