Puntland oo digniin ka soo saartay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland

Xukuumadda Puntland ayaa digniin  ka soo saartay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo lagu wado in uu bilowdo maalmaha soo socda.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland  ayaa digniin u jeedisay dhammaan dugsiyada Waxbarashada Gobolka Sanaag in aysan geli karin imtixaanka Somaliland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guud ahaan ardayda ku sugan Gobolka Sanaag ay galeen imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland sidaas darteedna aan loo baahnayn imtixaan kale.

PUNTLAND POST