Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin lacageed oo la siinayo cid kasta oo xoggtiisa keenta sarkaal sare oo Al-shabaab u qaabilsan samaynta qaraxyada.
Mareykanka ayaa siinaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.
Eedeysanahan ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-kaib.
PUNTLAND POST