Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu furmo Khamiista berri ah oo ku beegan 15 June 2023.
Wargelin kooban oo loo diray Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu sheegay in Kal-fadhiga oo furmi doono Subaxda Khamiista ah marka ay saacaddu tahay 8:00am Subaxnimo.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga islamarkaana ka jeediyo khudbaddiisa Dastuuriga ah.
PUNTLAND POST