Hay’adda SODMA oo gargaar Bani’aadannimo gaarsiisay degmada Afmadow

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gargaar Bani’aadannimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-madow ee Gobolka Jubbada hoose.

Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ay ku saameesay degaannada iyo baadiyaha fog ee gobolka kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalado bani’aadannimo.

Deeqdan oo Hay’adda SODMA daabushay Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr. Cabdullaahi  Muuse Axmed, kaasi oo ku wareejiyay Maamulka Degmadda Afmadow.

Guddoomiyaha Degmade Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mudane Maxamed Amiin ayaa u mahadceliyay Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in gargaarkan uu ku soo aaday xiligii loogu talagalay.

PUNTLAND POST