Booliska Puntland oo Boosaaso ku burburiyay warshad samaysa Khamriga

Booliska Puntland ayaa xalay shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku burburiyeen warshad Khamriga samaysa oo ku taalla Boosaaso.

War kooban oo uu soo saaray Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu burburiyay warshad khamtiga samaysa oo ku taallay xaafad ka tirsan magaalada Boosaaso.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in hawlgalka lagu baabi’iyay warshadda Khamtiga ay fuliyeen ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha saldhiga bartamaha Boosaaso dhamme Cabdullaahi Faras.

” Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso dhamme Cabdilaahi Faras iyo ciidamo uu hogaaminayay ayaa caawa sameeyay Howlgalo ka dhan ah Maandooriyaha waxaana inta ay howlgaladu socday lagu burburiyay Warshad khamriga lagu sameeynayay oo ku taalay mid ka mid ah xaafadaha Bosaso ” ayaa lagu yiri warkaas.

PUNTLAND POST