Natiijada doorashadii qof iyo cod ee Puntland ka qabsoontay oo maanta lagu wareejiyay Maxkamadda sare

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, Xasan Yuusuf Nuur ayaa maanta oo Isniin ah lagu wareejiyay natiijada doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay Puntland.

Mudane Xasan Yuusuf Nuur oo sidoo kale ah guddoomiyaha Maxkamadda dastuuriga ah, ayaa lagu wadaa in uu dhawaan si rasmi ah u shaaciyo natiijada doorashadii 30-ka degmo.

Dhinaca kale weli lama sheegin wakhtiga la qabanayo doorashada saddexdii degmo ee Gobolka Nugaal oo khilaafaad siyaasadeed uga haray cod-bixintii guud.

Waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Garoowe ku soo wajahan yihiin xubnaha Beesha Caalamka oo sida la filayo bogaadin doona doorashadii qof iyo cod.

PUNTLAND POST