Xarunta Gurmadka deg dega ah ee Soomaaliya oo Muqdisho laga dhagax-dhigay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa si wadajir ah u dhagax dhigey Xarunta gurmadka gargaarka deg degga ah ee Soomaaliya.

Xaruntan ayaa loogu talagalay in lagula tacaalo Muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeelooba Musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya, si loo hello xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg degga ah ee soo bixi kara xilli kasta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaali Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey tallaabooyinka quruxda badan ee lagu horumarinayo Caafimaadka dalka iyo in losoo kordhiyo xarumo loogu talagaley gargaarka deg degga ah oo ay bulshadeenu baahi wayn u qabtey waxa uuna bogaadiyey dowrka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee ku aadan horumarinta Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuymadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in xaruntan ay tahay mid muhiim ah oo wax badan ka tari doonta arrinaha gurmadka deg degga ah soo kordhi karta xilli kasta waxa uuna sidoo kale sheegey in lasii kordhin doono dhismaha xarunaha noocan ah ee laga hirgellinayo guud ahaan dalka.

PUNTLAND POST