Madaxweyne Deni oo shir deg deg ah ugu yeeray guddi Puntland u qaabilsan Arrimaha Federaalka

Madaxweyne Siciid Deni ayaa hadda shir deg deg ah ugu yeeray guddi gaar ah oo Puntland u qaabilsan diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha Federaalka.

Guddigan oo ka kooban 22 xubnood waxaa hoggaamiya guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan waxaana ku xigeen u ah wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa.

Weli xog hoose lagama helin qodobada miiska u saaran madaxweyne Deni iyo guddiga oo haatan shirkoodu socdo waxaase lagu wadaa in ay dhawaan guddigu warbaahinta la hadlaan.

Guddiga oo la magacaabay horraantii sannadkan ayaa loo xil-saaray diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha Federaalka xilli uu meeshii ugu xumayd gaaray xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST