Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulantay Madaxda Puntland

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Laing ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ku tagtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa marwo Catriona Laing ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa looga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen labada dhinac.

” Doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan ka dhacay Puntland, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay” ayay labada dhinac ka wada-hadleen sida ku xusan qoraalka UNSOM.

” Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda” ayay tiri Catriona Laing oo ka hadlaysay doorashooyinkii qof iyo cod ee dhawaan ka dhacay Puntland.

PUNTLAND POST