Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Qaraxyo iyo weerar toos ayaa caawa ka dhacday maqaayad ku taal xeebta Liido oo lagu magacaabo Pearl Beach, iyadoo koox hubaysan ay gudaha u galeen maqaaxidaas oo ku taalla agagaarka xeebta Liida.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa ku dhex dagaalamaya gudaha maqaaxida, waxaana jira dad halkaas ku go’doonsanaa oo la soo badbaadiyay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkaas inkastoo aan weli tirakoob sugan la hayn.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka maqaaxidda Pearl Beach, sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen baraha ay ku leeyihiin internet-ka.

PUNTLAND POST