
Iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay magaalada Garoowe.
Saddex askari oo ka tirsan Booliska Puntland oo ay ku jirto gabar ayaa sida la xaqiijinayo ku dhaawacmay iska hor-imaadkaas.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in iska hor-imaadku dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.
Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.