Ilhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiilada Maraykanka

Xil. Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku xigeenka Hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee guddiga Miisaaniyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka. 

Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda Maraykanka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay.

Marwo Ilhaan ayaa kamid ah xubnaha ugu saamaynta badan Xildhibaannada Golaha Wakiilada dowladda Maraykanka.

PUNTLAND POST