Puntland oo dowladda Federaalka ku eedaysay in ay musuq maasuq ku samaysay arrimaha Xajka

Xukuumadda Puntland ayaa ka hortimid hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya sannadkan u maareysay arrimaha Xajka.

Wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay wax ay ku tilmaantay musuq maasuq iyo eex dowladda Federaalka Soomaaliya ku samaysay qeybsiga saamiga Xajka.

” Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay Canbaaraynaysaa boobka,eexda iyo musuqmaasuqa ay Wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalku ku samaysey hab qeybsiga,maamulka iyo Adeegyada Xajka ” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si ku dhisan caddaalad-darro u qeybsiga saamiga Xajka ee sannadkan islamarkaana Puntland 850 kursi ka siisay tirada guud oo dhan 11,500.

PUNTLAND POST