Raage Garaad Cabdiqani ayaa sida wararku xaqiijinayaan xil wasiirnimo ka raadinaya xukuumadda Muuse Biixi.
Raage oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa dhawaan ka soo laabtay dibadda waxaana munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Hargeysa.
Wararka ayaa sheegaya in uu raadinayo booska wasiirka Gaadiidka Somaliland oo uu hadda fadhiyo Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
Weli-se ma cadda in Muuse Biixi uu booskaasi wasiirnimo u magacaabi doono Raage iyo in kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.