
Guddoomiyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Riyaad ee xarunta dalkaas Sacuudiga.
Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaadh ee xarunta Boqortooyadda Sacuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.
Gudoomiye Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Waddan.
Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan waxaana lagu ballamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.