Taliska Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in gacanta lagu dhigay shan nin oo dhammaantood ku eedaysan gabood-fal lagu sameeyay qoys danyar ah.
Qoraal kooban lagu daabacay bogga Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in eedaysanaha shanaad oo ugu danbeeyay laga qabtay degmada Waaciye oo ka tirsan Gobolka Karkaar.
Kooxdan ayaa ku eedaysan in ay xalay gurigooda Boosaaso ugu dhaceen qoys danyar ah oo hurday islamarkaana ku sameeyeen tacaddi iyo handadaad ka baxsan banii’aadnimada.
Dhacdadan ayaa abuurtay caro dadweyne iyo fal-celin xooggan kadib markii baraha bulshada laga arkay muuqaal ay qoyska danyarta ah ka duubeen kooxda tacaddiga ku sameeyay.
PUNTLAND POST