Dadka hubaysan ee isticmaalaya maandooriyaha khamriga ayaa sida la soo werinayo xilliyada habeenkii ah khatar amni ku haya shacabka magaalada Garoowe.
Xaafadaha kala duwan ee Garoowe ayaa laga soo sheegaya kooxo hubaysan oo habeenkii khamriga ku cabba laamiyada islamarkaana ridaya rasaas aan loo meel deyin.
Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in marar qaarkood kooxahan iyo laamaha amniga ay isku dhacyo hubaysan oo khasaare sababa ku dhex maraan xaafadaha Garoowe.
Mas’uuliyiinta dowladda iyo waxgaradka magaalada midna weli kama hadlin dhacdooyinkan halista ah ee ku soo noq-noqanaya caasimadda Garoowe.
PUNTLAND POST