Ciidamada Somaliland oo hadda madaafiic xooggan ku bilaabay Laascaanood

Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa madaafiic xooggan bilaabay saacaddan oo lagu jiro salaadda subax.

Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Somaliland oo laga maqlayo masaafo durugsan ayaa u dhacaysa jihooyin kala duwan.

Madaafiicda qaarkood ayay u ridayaan dhinaca magaalada Laascaanood inkastoo aysan weli caddayn haddii khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada degaanka ee SSC-Khaatumo oo jawaab ka bixiyay madaafiicdaas ayaa hubka culus ku garaacaya dhanka Taliska Gooja-cadde.

PUNTLAND POST