Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga horyimid mooshin maanta la horkeenay Golaha Shacabka ee Baaarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed uu keenayo qalaase siysaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca dalka, wuxuunta tusaale u soo qaaday muddo kororsigii laga diiday dowladdii hore ee hoggaaminayay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wuxuu intaas ku daray haddii muddo kordhin la sameynayo in ay u bilaabanayso dowladda soo socota, balse aysan saameyn doonin muddo xiliyeedka dowladda hadda jirta.

Sidoo kale xildhibaano kale ayaa ka horyimid mooshinkan oo lagu doonayo in wax laga bedelayo mudada xil-hayntan madaxweynaha iyo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, lagana dhigo 5-sano, kaas oo soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka May 2023.

Hoos ka daawo muuqaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

PUNTLAND POST