
Wada-hadallo hoose ayaa u socda mas’uuliyiin ka tirsan labada urur siyaasadeed ee Mideeye iyo SINCAD sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.
SINCAD iyo Mideeye ayaa ka arrinsanaya sidii ay u wada dhisan lahaayeen maamullada degmooyinka laga qabtay doorashada qof iyo cod.
Wararka ayaa sheegaya in labada urur siyaasadeed mabda’ ahaan isku raacsan yihiin qodobkan islamarkaana uu weli wada-hadalka u socdo.
Haddii ay rasmi ugu heshiiyaan qodobkan waxaa la filayaa in ay sidoo kale ka horyimaadan furista Dastuurka Puntland.
Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku noqon doonta qorshaha madaxweyne Deni uu ku raadinayo furista Dastuurka si ay Puntland u yeelato shan xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.