Ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan oo xirtay jidka wasaaradaha Garoowe

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka xirtay jidka wasaaradaha caasimadda Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka gadoodsan ay dib u celinayaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaha ee u socda shaqada.

Ciidanka gadoodsan ayaa ku adkaysanaya in aysan jidka bannayn doonin inta laga siinayo mushaharka iyo xuquuqda ka maqan oo ay dalbanayaan.

PUNTLAND POST