Millatariga dowladda Uganda ayaa qiray in ay Al-shabaab gacanta ku dhigtay askar ka tirsan Ciidankooda Nabad Ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya.
Af-hayeen u hadlay Millatariga Uganda oo lagu magacaabo, Felix Kulaigye ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay askar ka tirsan Ciidankooda ku qabsadeen weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Buulo Mareer.
Af-hayeenka oo wax laga weydiiyay tirada askarta Ciidamada Uganda looga qabsaday weerarkii Buulo Mareer ayaa ka gaabsaday in uu xuso tiro cayiman waxaana uu sheegay in aanu rabin mala-awaal.
Felix Kulaigye ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya u direen koox xaqiiqo raadin ah oo baaritaan ku samaysa dhacdadaas kadibna ay warbixinta rasmiga ah soo bandhigi doonaan.
PUNTLAND POST