Erdogan oo mar kale ku guuleystay madaxweynaha Turkiga

Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee maanta ka dhacday dalka Turkiga.

Golaha sare ee doorashada Turkiga (YSK) ayaa ku dhawaaqay in cododka la tiriyay oo dhan 75.42% uu Erdogan helay 53.41%, halka ninka la tartamayay, Kemal uu helay 46.59%.

Erdogan oo 20 sano ee la soo dhaafay hoggaaminayay siyaasadda Turkiga ayaa markii saddexaad ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee dalkaas, isagoo saddex jeer oo hore ra’iisul wasaare ahaa sannadihii 2003 ilaa 2014-kii.

PUNTLAND POST