Ron DeSantis oo si rasmi ah ugu biiray loolanka loogu jiro Aqalka Cad

Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa si rasmi ah Arbacadii ugu dhowaaqay inuu u ordayo loolanka xubnaha Jamhuuriga ee xilka madaxweynaha Mareykanka , isaga oo kulan dadweyne ku qabtay Twitter Space.

“Waa inaan soo afjarnaa dhaqanka guuldarrada ee sanadihii dhowaa asiibay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu yiri DeSantis oo kumanaan qof ay dhageysaneyeen, oo uu ka mid yahay milkiilaha Twitter Elon Musk.

Intii uu socday kulanka, ayaa Twitter Space-ka waxaa asiibay cilad keentay in kumanaan qof ay ka baxaan khadka, oo uu ka mid yahay DeSantis, waxaana markii dambe barta wareegay hashtag #DeSaster.

Ku-biiritaanka loolanka Xisbiga Jamhuuriga ee DeSantis ayaa billaabeysa tartan adag oo dhexmari doono isaga iyo Donald Trump oo mar xulufo ahaa, kaasi oo looga adkaaday doorashadii 2020 ee lagu doortay Joe Biden.

Barasaabka Florida ayaa isku calaameeyey inuu yahay hoggaamiye shaqadiisa kasoo baxa oo mar is-hortaagay dowladda federaalka oo ay isku qabteen siyaasaddii COVID-19.

PUNTLAND POST