Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka warbixiyay doorashooyinka qof iyo cod oo saaka si nabdoon uga bilowday 30 degmo oo ka tirsan Puntland.
Guddoomiyaha TPEC ayaa sheegay in dhammaan goobaha cod-bixinta doorashooyinka ay saaka ku furmeen si nabad ah guud ahaan degmooyinka Puntland ee laga codaynayo.
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqaalaha guddiga doorashooyinka ee TPEC iyo ciidamada amniga ee ka shaqaynaya doorashooyinkankan taariikhiga ah.
PUNTLAND POST