Safiirada Soomaaliya iyo Turkiga u fadhiya Uganda oo kulan yeeshay

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirkaTurkiya ee Uganda Amb. Fatih Ak.

Labada safiir ayaa sida warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegtay waxay ka wada hadleen xariirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood.

Safiirka Turkiya ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dal.

Safiirka Soomaaliya Cali Cagabaruur ayaa ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda ugu tagay, sidoo kalena ka mahad celiyay taageerada aan kala-go’a lahayn ee dowladda Turkiya la garab taagan tahay dowlada Soomaaliya.

PUNTLAND POST