
Wasiirka amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyay duqeymo magaalada Jilib lagula eegtay kooxo ka tirsan horjoogayaasha Al-shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in fulinta howlgalka ay iska kaashadeen sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, laguna guuleystay in la bartilmaameedsado guri ku yaal degmadaasi oo ay ku shirayeen horjoogayaasha.
Waxa uu xusay in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaasha kooxda ee lagu beegsaday Hawlgalkaas.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay dib warbaahinta dib kala soo wadaagi doonaan xogta rasmiga ah ee howlgalka lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab ee ka dhacay degmada Jilib.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.