Muxuu yahay Mawqifka Madasha Siyaasadda Puntland ee muranka doorashada golayaasha deegaanka?

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ka digtay in muranka siyaasadeed ee taagan lagu xalliyo gacan kahadal hubaysan iyo dagaal ka dhaca Puntland, waxayna ugu baaqday dhinacyada kala aragtida duwan in miiska wadahadalada lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee hadda Puntland ka aloosan.

Madashu waxay caddeysay in uusan jirin wax wadahadal ah oo ay xukuumadda Siciid Deni dalbatay inay kala hadasho madasha, iyadoo dhowr mar ay madashu ku celcelisay in la hakiyo doorashada socota oo laysugu yimaado wada tashi lagu jiheeyo mustaqbalka dhow ee siyaasadda Puntland.

Sidoo kale Madashu waxay caddeysay in aysan saamayn doonin aqbalka natiijo xisbiyo oo kasoo baxda doorashadda goleyaasha deegaanka Puntland, maadaama sida ay sheegtay aan laysku waafaqsanayn.

Madashu waxay sheegtay in xukuumadda Madaxweyne Deni garwadeenka ka yahay ay sabab u tahay khilaafka hareereeyay doorashada golayaasha deegaanka Puntland, maadaama bay dheheen ay dhegaha ka furaysatay talo bixin kasta ay u soo jeediyeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Puntland.

Hoos ka akhriso war-murtiyeed ay soo saartay Madasha Siyaasadda Puntland.

PUNTLAND POST