Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha amaanka iyo hormarinta deegaanka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale Jubaland ka tageeraya dhismaha golayaasha Deegaanka oo afar degmo oo kamid ah dhawaan la bilaabayo.

Wasiirada Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubaland ayaa kulanka qayb ka ahaa.

PUNTLAND POST