Isimada SSC-Khaatumo oo go’aan ka soo saaray khilaafka doorashada Puntland

Isimada SSC-Khaatumo oo galay khilaafka doorashada Puntland ee u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa go’aan ka soo saaray arrintaas.

Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo shir caawa ku qabtay Garowe ayaa sheegay in ay go’aamiyeen in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kaddibna la isugu yimaado wadatashi guud iyo halka la aadayo 8 Janaayo 2024.

Garaadada ayaa xusay in ay go’aankaas isla qaateen Madaxweyne Deni oo ay kula kulmeen magaalada Qardho, waxayna intaas ku dareen in ay go’aanka wakiil uga hayiin dhammaan isimada Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka Garaadada.

PUNTLAND POST