Dagaal xooggan oo dib uga qarxay furimaha kala duwan ee Laascaanood

Dagaal xooggan ayaa saaka dib uga qarxay jihooyin kala duwan oo kamid ah furimaha Laascaanood.

Ciidamada Somaliland iyo xoogaga difaaca shacabka ee SSC-khaatumo ayuu dagaalka u dhexeeya welina ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Dhammaan furimaha la isku horfadhiyo ee Laascaanood ayuu dagaalka ka socda waxaana ugu xooggan jihada bari sida ay wararka xaqiijiyaan.

Furinta dhanka Tuulo Samakaab ayaa waxa sidoo kale laga soo sheegayaa in hadda dagaal ka socdo inkastoo aan faahfaahin sugan laga hayn.

PUNTLAND POST