Puntland oo waaran soo qabasho u jartay siyaasiyiin mucaarad ah

Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa waaran soo qabasho u jartay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee ku sugan Garoowe.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in waaran soo qabasho loo jaray siyaasiyiintan oo ku eedaysan khalkhal gelin amni.

Xeer Ilaaliye Taaran ayaa sidoo kale shaaciyay in magacyada siyaasiyiinta ku eedaysan khalkhal gelinta oo ay kamid yihiin Xasan Shire Abgaal, Maxamuud Shiddo iyo Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Hoos ka daawo muuqaalka Xeer Ilaaliyaha

PUNTLAND POST