Mas’uul Soomaali ah oo loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Kenya

Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa mas’uul Soomaali ah u magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka dalkaas ee NIS.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Kenya loo magacaabay Nuuradin Maxamed Yuusuf Xaaji.

Nuuradin Xaaji ayaa haddii Baarlamanku ansixiyo beddeli doona agaasimihii guud ee Sirdoonka Kenya Gen. Philip Kameru oo lagu wado in uu hawlgab noqdo.

Mr. Nuuradin Xaaji ayaa hore uga tirsanaa laanta dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya waxaana sida la sheegay uu muujiyay karti iyo hufnaan shaqo.

PUNTLAND POST