Cawad: Madaxweyne Deni waa in uu caddeeyo halka Puntland u socoto 8 January 2024

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibbada Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni in uu caddeeyo halka Puntland siyaasad ahaan u socoto 8 January 2024, ka hor 25 May.

Axmed Cawad oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Puntland qalaalase siyaasadeed wajihi karto haddii Madaxweyne Deni uusan caddeynin in doorashada qof iyo cod ay ku eg tahay dowladaha hoose oo kaliya.

“Goleyaasha deegaanka walow ay wax badan oo qalad ahi ku jiraan wax weyn ma ahan in ay qabsoonto 25 May, balse mugdi iyo madmadow badan ayaa ku gadaaman doorashada 8 January 2024, waxaana looga hortagi karaa qalalaase diyaasadeed oo Puntland oo dhan ku baaha madaxweynaha oo shacabkiisa la hadla oo dammaanad iyo kalsooni siiya” ayuu yiri Amb. Cawad.

Dhanka kale wuxuu dhaliilay in xalka xabbad lagu raadiyo oo Puntland loo horseedo colaad dhiig ku daato, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu mas’uul ka yahay dhibaatadii ka dhacday Garowe, maadaama buu yiri uusan dhegaysan talada dadka.

PUNTLAND POST