Dagaal ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garowe

Dagaal goos goos ah ayaa ka socda agagaarka Garowe diyaaradaha Garowe iyo kantaroolka bari, kaas u dhexeeya ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka ee gobollada Bari iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland.

Dagaal oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, balse weli lama oga tirada rasmiga ah ee khassaaraha.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod, si bay dheheen aysan u sababin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland ee qof iyo cod ayaa loo madlan yahay 25 ka bishan May.

PUNTAND POST