Ciidankii Somaliland u fadhiyay degaanka Shimbiraale ee duleedka Ceerigaabo ayaa gebi ahaanba isaga baxay Somaliland.
Ciidankan oo ku gaashaaman gaadiidkii dagaalka ee Somaliland ayaa Axaddii shalay ku biiray ciidamada Daraawiishta Puntland.
Abbaan-duulaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan iyo hubkooda.
Gen. Xuseen Dheere ayaa ballan-qaaday in ciidankan ay mushaarka iyo xuquuqdooda oo dhammaystiran ka heli doonaan dowladda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.