Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay, lix kalena waa ku dhaawacmeen qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamadii lagu soo tababaray dalka Uganda ee dhawaan lagu wareejiyay amniga Muqdisho ayaa caawa qarax lagu eegtay waddo laami ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ahaa nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog. Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarka khasaaraha sababay ee lala eegtay ciidamada amniga Muqdisho.

Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee khasaare lagu gaarsiiyo ciidanka Boolis Milataaro ee lagu wareejiyay amniga Muqdisho.

PUNTLAND POST