Xiisad colaadeed oo ka aloosan magaalada Ceerigaabo

Xiisad colaadeed ayaa sida lagu soo warramayo ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Ceerigaabo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sida laga soo xigtay dadka degaankaas.

Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada Somaliland iyo qayb kamid ah dadka degaanka oo ka horyimid in xuska 18-ka May lagu qabtay Ceerigaabo.

Xiisadda ayaa weli taagan waxaana qayba kamid ah magaalada laga dejiyay calanka Somaliland iyadoo la saaray calanka SSC-Khaatumo.

PUNTLAND POST