Taliye Muumin: Guryahooda ayaan ku weeraraynaa cid kasta oo isku dayda in ay xoog ku joojiso doorashada qof iyo cod

Taliska Booliska dowladda Puntland ayaa Sabtidii maanta digniin adag u jeediyay cid kasta isku dayda in ay carqalad amni ku samayso qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee degaannada Puntland.

Taliyaha Booliska S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo hadal kooban ka sii daayay warbaahinta ayaa ku hanjabay in tallaabo ciidan laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay carqalad geliso qabsoomidda doorashooyinka dowladaha hoose ee ku salaysan qof iyo cod.

” Waxa noo qorshaysan oo aanan cidna ka qarsan doonin in aan weerarro guryahooda oo soo qabanno, maxkamadna keeno cidda siyaasi ha ahaato, ganacsato ha ahaato, isimo dhaqan ha ahaato; ciddii rabta in ay qas wax ku joojiso, oo abaabusha maleeshiyaad, oo weerarta goobaha doorashooyinka” ayuu yiri S/Guuto Muumin.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa sidoo kale dhammaan shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka islamarkaana ku wargeliyaan xog kasta oo la xiriirta arrimaha Amniga gaar ahaan wixi looga shakiyo in uu carqalad ku yahay nabadgelyada.

Halkan ka daawo Muuqaalka Taliyaha

PUNTLAND POST