Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Badhan

Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa waxaa banaanka hore Badhan soo dhaweyn sareysa ugu sameeyey Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland, Maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, xubno ka socday ururada siyaasada Puntland, iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada.

Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida ay u maamuuseen weftigiisa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa sidoo kale hoygiisa ku booqday Suldaanka guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire.

PUNTLAND POST