Xasan Shire Abgaal oo dhaliilay Madaxweynaha Puntland

Wasiirkiiì hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ka hadlay doorashada Puntland, dagaalka Laascaanood, hadaladii Madaxda federaalka & Puntland iyo xaaladda ay hadda ku jirto Puntland.

Xasan Abgaal ayaa ugu horreyn dhaliilay hadal maalmo ka hor Madaxweyne Deni ka jeediyay magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu ku xiriiriyay shaqaaqadii Garowe ka dhacday bishii February iyo dagaal ay xiligaas ciidamada Somaliland ku soo qaadeen magaalada Laascaanood.

Dhanka kale Xasan Abgaal oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ayaa xusay in aan la isku hayn doorashada goleyaasha deegaanka, balse waxa la isku hayo ay tahay qorshe uu Madaxweyne Deni ku damacsan yahay muddo kororsi iyo furista Dastuur, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka Puntland iyo Beesha Caalamka in miiska wadahadalka la keeno Madaxweyne Deni, si buu yiri looga wadahadlo labadaas qodob.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo Puntland oo uu ku tilmaamay mid la isku hayo arrimo shakhsiyadeed, waxa kale uu ka hadlay mushaar la’aan ciidamada iyo shaqaalaha Puntland.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id