Musharaxa xisbiga saddexaad Muharrem Ince ayaa Khamiistii isaga haray doorashada aadka la isugu dhow yahay ee madaxweynaha Turkey, taasi oo ah tallaabo lama filaan ah oo sare u qaadeysa fursadda ay mucaaradka ku guuelysan karaan wareegga koowaad.
Ince, oo 59 jir ah, ayaa go’aankiisa ku dhowaaqay kadib markii lagu beegsaday olole online-ka ah oo ay ku jireen sawirro la been abuuray oo muujinaya isaga oo la kulmaya haween islamarkaana ku socda gawaari qaali ah.
Musharraxan calmaaniga ah ayaa helay 30.6 boqolkiiba codadka markii uu madaxweyne Erdogan kula loolamay doorashadii 2018.
Waxa uu kadib ka baxay xisbiga weyn ee mucaaradka kadibna billaabay dhaq-dhaqaaq u gaar ah, isaga oo codadka qaar ka qaatay hoggaamiyaha calmaaniyiinta Kemal Kilicdaroglu oo ah midka ugu xooggan ee la loolamaya Erdogan.
PUNTLAND POST